Cutubka 1.1: Sharciyada wadamarista

Ereyada furaha ah:

Sharciyada wada marka, taxadar, nabadgalyo, khatar, iska fiiri, il gaar ah ku fiiri, ku feejignow, booska la qeybso,is caawiya, cadaalada

Hadafka barashada

Hada waxaad baraneysaa:

Maxaan u heysanaa sharciyada wada marista

Sharciga wadamarista ugu muhiimsan.

Maxay ka micno tahay inaad ku feejignaato marka aad wadada mareyso.

Dhamaan dadka wadada socdo, meel ayay u socdaan, sidaas darteed waa inaan wadada qeybsanaa.

Wadada waxaa ku sugan dad lugeynayo, baaskiilo, baabuur iyo gaadiid kale. Waxaa sidoo kale jiro wadoooyin, meelo ay dadku maraan iyo calaamadaha wadada. Maxaad sawirkan ka aragtaa?

Dadka wadada socdo qaarkood waxey wadaan baabuur, qaarkood baaskiil ayay wadaan, qaarna wey soconayaan. Si dhamaan dadku ay si nabad galyo ah wadada u maraan, waa inan lahaanaa sharciyo. Sawirkan muxuu ugu egyahay wada marista meesha aad tagantahay?