Cutubka 1.2: Calaamadaha wadamarista

Ereyada furaha ah:

U sheegid, ka digis, muujin, mamnuuc, caalamada muujineyso, calaamad, wareeg, afar gees, sadex gees.

Hadafka casharkan:

Hada waxaad baraneysaa.

Sababta ay calaamado ugu yaalaan wadadada la maro.

Maxey yihiin calaamadaha caadiga ah iyo waxa ay uga dhiganyihiin qofka wadada lugeynaya.

Calaamaha wadamarista:

Calaamadaha wadamarista waxaa loo sameeyay, si ay qofka wax ugu sheegaan, uga digaan wax noqon kara khatar, wax waajib ah ama mamnuuc ah.

Maxey ka micno tahay in wax ay yihiin mamnuuc?

Calaamadahan horey ma u aragtay?

Maxay caalamaduhu u kala qaab duwanyihiin ama midab duwanyihiin?

Calaamadaha dadka wada lugeynaya:

Waxaa jiro calaamado kala duwan, ku dhawaad 300 markii la isku geeyo. Kuwa badan oo calaamadaha kamid ah, waxey khuseeyaan oo kali ah dadka baabuurka ama baaskiilka wada. Halka qaarkoodna ay dadka wada socdo oo dhan ay khuseeyaan. Halkan waxaad ku baran doonaa kuwa kugu khasabka ah inaad taqaano, si aad wadada nabadgalyo ugu marto.

Wadada geeskeeda(marsha biyeediga)

Halkan ayaad wada ka goyn kartaa. Meesha uu qofka wadada ka gooyo, waxaa wadada ku calaamadeysan jeexdimo cadaan.

Meesha dadku ay maraan:

Wadadan waxaa loo sameeyay dadka lugeynayo.

Meesha busska uu istaago:

Halkan busska ayaa istaago.

Dadka soconaya waa ka mamnuuc:

Halkan sharci uma lihid inaad marto.

Dadka soconaya iyo baaskiilada waa ka mamnuuc:

Halkan sharci uma lihid inaad marto ama aad baaskiil ku marto.

Banaanka ku samee:

Imisa calaamadood ayaad ka heli kartaa agagaarka iskuulkan?

Sawir calaamadaha kala duwan, qorna waxa ay sheegayaan.

Ma Xasuusataa:

Maxay ka micno in wax ay waajib yihiin ama ay mamnuuc yihiin?

Maxey muhiim u tahay in qofku inaad si fiican u aragno calaamada wadamarista ee aan aragno?

Sidee ayay wada maristu ahaan laheyd calaamado la ┬┤aan?