Safar fasalka lala aado:

Halkan waxaad aragtaa fasal u socdo safarna, waxaana la socdo macalinkooda. Marka ay dad badan wada socdaan, waa muhiim in feejignaan dheeri ah la muujiyo? Ma u maleyneysaa in dadku ay kuligood wada socdaan hada?

Fasalkan wey nasiib badanyihiin, maadaama ay ku socdaan meelaha ay dadku maraan iyo meelaha baaskiilka loo sameeyay. Weyna is garab socon karaan.

Ma u egtahay sidaan marka fasalkaadu uu safar aadayo?

Sharciyo noocee ah ayuu fasalku leeyahay marka ay safar u socdaan?

Sharciyada dadka wadada lugeynaya:

Isla socda:

Waa inaad wax badan ilaalisaa marka aad wadada mareyso. Marka ay dad badan wada socdaan, waxaa dhacda in dadka qaarkiis ay kaftan iyo ciyaar kujiraan. Sidaas darteed waa muhiim in laga fakaro sharciyada wada marista. Ma xasuusataa sida ay ahaayeen?

Waa inaan ilgaar ah u yeelanaa, aam feejignaana, aana taxadarnaa marka aan wadada socono.

Marka aad socoto wadada dhinaceeda, aysana jirin meelaha ay dadku maraan:

Mar dhinaca bidix ee wadada, meesha aysan ka jirin meel ay dadku ama baaskiilku maraan. Markaas waxaad si fudud ku arkeysaa baabuurka kaa hor imaanayo.

Marka aad goyneyso wado aan laheyn meel dadku maro ama nalalka gaadiidka.

Dooro meel aad sifiican wax uga aragto, dhanka bidix iyo dhanka midigba. Markaas ayaad arki kartaa in baabuur ay soo socdaan ama baaskiil.

Waa khatar inaad lugeyso baabuur parking gareysan dhexdooda, meel luuxad ah ama meel aadan sifiican wax uga arkin.

Mar walba wadada si toos ah u goo, oo haku dhex soocon. Markaas ayaa si dhibyar uga gudbi kartaa.

Goormee ayaad wada goyneysaa.

Isticmaal meelaha uu dadka maro, nalka gaadiidka buundo kahooseyso ama ka koreyso wadada.

Mar walba dooro meesha ugu nabadgalyada badan wadada, oo laga yaabo inay kugu dheertahay.

Goormee ayay goyneysaa meesha uu dadka wadada ka maraan:

Istaag si toos ah, labada dhinac ah iska fiiri, dhageyso baabuurta ama gaadiidka kale.

Sug ilaa aad ka hubsaneyso in baabuurtu ay istaageen, inta aadan wada goynin.

Mar walba wadada si toos ah u goo, hana dhex socon. Markaas ayaad si dhaqso ah ku goyneysaa.

Marka aad wadada goyneyso:

Si toos ah u istaag, geesaha dhan iska fiiri, dhageyso baabuurta iyo gaadiidka kale.

Xitaa xalka wadadu uu cagaar bixinayo, waa inaad hubsataa in baabuurta ay istaageen.

Nalalka wadooyinka qaarkood, waxaa dhacda in baabuurta iyo nalkuba uu halmar cagaar wadashido. Markaas waa inaad martid, meesha uu dadka maro. Mar walba hubi in wadaha uu ku arko, inta aadan wada goynin.

Ereyada wadamarista

Wadada dhinaceeda

Meelaha ay dadku maraan iyo meelaha uu baaskiilku maro.

Meesha loo xariiqay inay dakdu maraan.

Banaanka ku samee:

Banaanka u bax oo tiri waxyaabaha kale ee wadada maraya.

Ma istaagayaan oo maku arkaan inta aadan wadada goynin kahor?

Imisa ayaa wadada ka goynaya, iyaga oo aan mareyn meesha loo calaamadeeyay?.

Baabuurta oo dhan ma istaagaan, marka uu qof geynayo?

Gudaha ku samee:

Makala taqaanaa bidix iyo midig? Waa muhiim inaad kala taqaanid marka aad wadada mareyso. Waxaad sameysan kartaa, wax aad kusoo xasuusato.

Ma xasuusataa:

Maxaa kugu waajib ah, marka aad wadada goyneyso.

Dhinacee ayaad wadada ka mareysaa, marka aysan jirin meel dadka loo calaamadeeyay.

Sharciyo noocee ah ayaa fasalka u dagsan, marka ay safar u baxayaan.