Cutubka 2.3 Kaah celiso.

Ereyo muhiim ah:

Jaakada kaah celisada, Kaah celisada boorsada ku dhagan, kaah-celisada jaakada, koofiyada, Kaah celisada calaamadaha wadooyinka iyo mida ku dhagan baaskiilada.

Hadafka barashada:

Hada waxaad baran doontaa:

Maxey muhiim u tahay in la adeegsado kaah-celiso.

Sidee ayay kaah celisada u shaqeysaa.

Waxaa jiro noocyo badan oo kaah celiso ah.

Halagu arko marka ay mugdiga tahay:

Waxyaabo badan ayaa isbadala, marka ay mugdiga ay tahay. Waxaa adkaaneyso in sifiican loo arko waxyaabaha wadooyinka socdo, weyna adagtahay inay iyagu adiga ku arkaan. Markaas waxaa muhiim ah inaan iska caawino, sidii aan isku arki laheyn.

Maxey ka aaminsantahay in banaanka aad socoto, marka ay mugdiga tahay?

Arag oo adna halagu arko: Kaah celiso.

Marka nalka baabuurka uu qabto kaah celisada, wuxuu nalku kusoo noqonayaa wadaha baabuurka. Waxaan dhahnaa in nalku lasoo celiyay. Waxey u muuqataa in nalka lasoo celiyay, markaas waxaa qofka baabuurka wada u fududaanayo inuu arko qofka socdo ee kaah celisada xiran.

Kaah celisadu waxey iftaa marka nal lagu qabto. Ayada iskeed iskuma ifiso.

Halagu arko:

Baabuurta waxey iyaga oo socdo ka imaan karaan dhinac walba. Sidaas darteed waxaa kugu waajib ah inaad kaah celisada ku xirto meel dhinac walba laga arki karo.

Waxaa muhiim ah inay ku arkaan marka aad wadada goyneyso iyo marka aad socoto.

Kaah celisada dhaqdhaqaaqda ayaa ugu fiican.

Mugdiga halagu arko:

Hadii aad socoto meel mugdi ah, wuxuu qof baabuur ku socdo 50 km/saacadii ay ku qaadaneysaa inuu 2 ilbiriqsi.

Marka aad kaah celiso isticmaaleyso, waxaa lagu arkayaa 10 ilbiriqsi kahor. Markaas waxey wadaha u fududeyneysaa inuu falceliyo.

Ereyada wada marista

Kaah celiso:

-Wax nalka dib usoo celiso.

Jaakada kaah celisada:

-Jaakada midib adag adag leh, laguna tolay kaahceliso dhanka kore.