Cutubka 3.1: Marka aad baaskiil wado

Ereyada furaha ah:

Baaskiil, qof baaskiil wado, koofiyada baaskiilka, saacada dhawaqa, nal, kaaj celiso cad, kaah celiso jaale ah, bareega hore, bareega danbe, badeelayaasha, giirka, meelaha ay dadku iyo baaskiiladu maraan, calaamad bixin, meelaha nabadgalyada ah baaskiilka ku wad, waajib, mamnuuc, qalab.

Hada waxaad bareneysaa:

Sharciyo muhiim ah oo dadka baaskiilka wada ku saabsan.

Maxey muhiim u tahay inaad baaskiilka ku wado meel nabadgalyo ah.

Maxaa waajib ah inaad qalab ahaan adeegsato marka aad baaskiilo wado.

Maxaad u isticmaaleysaa koofiyada baaskiilka.

Halkan waxaa maraya gaadiid badan. Ma arki kartaa waxa ay intooda badan wadaagaan?

Qaarkood meelaha dadka ayay baaskiilka ku wadaan, halka qaar kalena ay wadada caadiga ah ku socdaan, si ay u dhaqsadaan.

Xageed baaskiil ku wadi kartaa:

Ma xasuusataa sharciga ugu muhiimsan ee wada marista? Wuxuu sidoo kale ku qabanayaa marka aad baaskiil wadka. Maxey ka micno tahay inaad il gaar ah u yeelato, Inaad ku baraarugsanaato iyo inaad taxadar muujiso marka aad baaskiilka wado?

Waxaad horey usoo barata sharciyo ku saabsan dadka wadada maraya. Hada waxaad baraneysaa sharciyo u gaar ah baaskiilka.

Marka aad baaskiil wado, waxaa ku banaan inaad ku socoto meelaha ay dadku maraaan, meelaha baaskiilka ama wada baabuurta.

Meelaha baaskiilka uu maro:

Waxaa ugu fiican inaad baaskiilka ku wado meelaha dadka ama ay baaskiilku maraan. Waxaa loo sameeyay in dadka iyo baaskiilku ay si wadajir ah u maraan. Marka aad baaskiilka ku wado, meelaha ay dadku socdaan, waxaad qaadataa dhinaca midig, si aad jaanis u siiso baaskiilada iyo dadka wadada maraya.

Wadada geeskeeda:

Waxaad xaq u leedahay inaad baaskiilka ku wado labada dhinac ee wada. Meelaha wadada dhinaceeda ah iyo meelaha ay dadku maraan, waxaa loogu talagalay dadka lugeynaya. Sidaas darteed waxaa baaskiilka u wadaa si degan, masaafa dheerna u dhaxeysii. Mararka qaarkood waxaa lagama maarmaan ah inaad baaskiilka ka dagto, aadna socoto.

Si aad uga digto dadka wadada maraya inaad baaskiil wadato, waxaad garacaa kartaa gambaleelka aad kuugu xiran baaskiilka. Waxaa lagu magacaaba Ringeklokke.

Wadada dhexdeeda:

Hadii aysan jirin meel loogu talagaly baaskiilka ama meel ay dadku maraan, waxaad ku socon kartaa wadada caadiga ah. Waxaad xaq u leedahay oo kali ah inaad wadada dhinaca midig baaskiilka kaga wado, waana inaad kasoo fogaataa wadada dhinaceeda. Markaas ayey fududaaneysaa inaad isku dheeli karto.

Hadii ay jiraan dad badan oo baaskiil isla wado, waxaa inaad isdaba socotaan, ha isgarab soconina.

Xusuuso inaad wadada la isticmaaleyso gaadiid kale, sida baabuurta, bussaska iyo mootooyinka.

Meelaha baaskiilka loo sameeyay.

Wadooyinka baabuurta ee dheedheer qaarkood, waxaa dhinacooda ku yaalo meel baaskiilku uu maro. Halkan waxaa sharci ah oo kali ah inaad baaskiil ku wado, adiga oo jihadaas u socdo. Jihada baabuurka Norway, waa dhinaca midig.

Meelaha gaadiid la aanta:

Waxaad baaskiil ku wadi kartaa meelo badan oo uusan baabuurku mari karin. Waxaa fiican inaad ku tababarato inaad baabuurka ku wado meelaha gaadiidka kale ay jogaan. Sida caadiga ah, waa mamnuuc inaad baaskiil ku wado beerta iskuulka, xiliga fasaxa.

Wada goynta: Marka aad baskiil watid oo aad wadada goynisid, waxa nabadgelyadaada ugu fiican in aad ka degtid oo aad riixdid baskeelka. Marka aad ka degtid, gawadhiida wa ina ay ku istaagan marka aad wadada goynisid