Cutubka 3.2: Calaamadaha dadka baaskiilka wado

Waxaad horey u baratay calaamadaha dadka lugeynayo, ma xasuusataa?

Halkan waxaad baran doontaa calaamadaha ay tahay inaad taqaano, si aad si nabadgallyo ah baaskiilka ugu wado.

Soo galitaan waa manuuc:

Baabuur ama baaskiil halkan gudaha uma soo gali karo.

Baaskiileyda waa ka mamnuuc:

Halkan sharci uma lihid inaad baaskiil ku wado.

Calaamada waajibka istaaga:

Halkan waxaa kugu waajib ah inaad istaagto, aadna sugto, aadna u ogolaato gaadiidka kale inay adiga hortaa socdaan.

Wadooyinka baaskiilka:

Wadada waxaa lo sameeyay dadka baaskiilka wada.

Haadka baaskiilka:

Dhinaca calaamadsan ee wadada, waxaa loo sameeyay dadka baaskiilka wado.

Meelaha ay dadku iyo baaskiilku maraan:

Wadadan waxaa loo sameeyay dadka socdo iyo kuwa baaskiilka wada.